berberatoday.com
Afar Arimood Oo Laga Bartay Doorashadii Dalka Kenya Ka Qabsoontay Iyo Musharaxa Ugu Nasiibka Daran Dalkaas Oo Loo Aqoonsaday Raila Odinga
August 17, 2022 - Written by admin

Kenya ayaa soo gabagabeysay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu loollanka adkaa uguna muranka badnaa tani iyo marki uu dhammaaday xukunki ku dhisnaa hal xisbi ee 1991-kii iyada oo musharrixiin badan ay doorashadan ku tartamayeen.

Haddaba, waxaan halkan ku eegaynaa qaar ka mid ah musharrixiintii ku guul-darraystay ama ku guuleystay hannaankii ay ku doonayeen inay xilka ku qabtaan.

1)   Musharraxa nasiibka daran

Raila Odinga waa musharaxii ugu nasiibka xumaa ee soo mara dalka Kenya.

Shan jeer ayuu madaxweynanima u tartamay, marwalbana waa laga adkaanayey, isaga oo marwalbana sheegayeyey in doorashada laga xaday.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laashay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyata uu ka gaaray doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada markale la qabto.

Odinga ayaa markaa qaadacay ka qaybgalka doorashada cusub isaga oo sheegay inuu jirin nidaam sahlayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Markale ayuu Odinga aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxweynihi Hore Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Raila Odinga

Sheegashada Odinga waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashada oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera ay qaadeen tallaabbo ay ku diidayaan natiijada doorashada ee la shaaciyey.

Waxayna sheegtay iney natiijada ka muuqato khalad xisaabed oo caqli gal aan ahayn, wadarta natiijada guddoomiyaha guddiga Wafula Chabukati uu shaaciyey ay noqoneyso 100.01% halka laga rabay wadarta iney noqoto 100%.

Halka ay dadka qaarna sheegayaan khaladka wadarta ee la sheegay inuu yahay mid ka iman karo dhanka isku darka balse natiijada Chibukati uu shaaciyey ay muujineyso guddoomiyaha sida uu ugu kalsoon yahay natiijada doorashada ka soo baxday.

Marki ugu horreysay taarikhda doorashooyinka Kenya guddiga doorashooyinka xaruunta ay tirinta codadka ay socotay ee Bomas wuxuu u oggolaaday warbaahinta iyo wakiillo ka socday bulshada rayad in loo oggolaaday iney goob joog u noqdaan.

Marka Odinga markale miyey maxkamadda u hiillin doontaa mise guul darro ayuu kala kulmi doonaa? Su’aashaa jawaabteeda waxaa la ogaan doonaa maxkamadda sare marka ay dhageysato dacwadda oo ay xukunkeeeda soo saarto.

Haddaba, Ruto oo ku guuleystay shaacinta ugu horreysay ee doorashada ayaa loo arkayaa inuu yahay madaxweynaha la doortay, inkasta oo aan rajo laga qabin inuu madaxweyne Uhuru Kenyata uu xilka kala wareego ilaa ay maxkamadda xukun kama dambeys ah ka soo saareyso dacwadda Odinga uu u gudbiyey.

2) Haweenka doorashada wacdaraha ka dhigay

Matalaadda haweenka ee dalka Kenya ayaa si la yaab leh doorashada sanadkan kor ugu kacday, iyada oo toddobo haween ah loo doortay xilal muhiim ah.

Marka la barbardhigo doorashadi 2017-kii oo 3 haween ah keli ah la doortay balse doorashada sanadkan 7 haween ah ayaa xilal waaweyn loo doortay.

Barasaabyada dalka Kenya waxay gacanta ku hayaan miisaaniyado aad u badan, waxaana laga filayaa inay hormuud ka noqdaan horumarka gobolladooda.

Haddaba haweenka doorashada sanadkan ka dhacday dalka Kenya ku guuleystay waxaa ka mid ah Wavinya Ndeti oo noqotay barasaabki ugu horreeyey oo dumar ah ee ismaamulka Machakos iyada oo ka guuleysatay seddex musharrax oo rag ah oo la tartameysay.

Ndeti oo ah gabar Kenya u dhalatay kana soo jeeddo gobolka ay barasaabka ka noqotay ee Machakos waxay u dhaxday nin u dhashay dalka Nigeriya oo ay isbarteen xilli ay London waxbarsha u joogtay.

Ninka ajnabiga oo ay guursatay darteedana dadka dhaliila waxay u soo jeedinayeen dhaliil ku aaddan ninka ajnabiga ee ay guursatay sidaa darteedna ay siyaasadda ka muuqaan Karin, balse Ndeti dhaliisha loo soo jeedinaya dhag uma dhigin oo wey ku adkeysatay iney ka dhabeyso hammigeeda siyaasadeed.

Wavinya Ndeti, Barasaabka MAchakos

Gabadha kale ee indhaha shacabka dalka Kenya soo jiidatay waa Linet Chepkorir oo 24 jir ah oo noqotay gabadhi ugu da’da yareyd oo loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya.

“Waxaan anigu doonayaa inaan dhiirrageliyo jiilka soo socdo una sheego wax weliba iney suuragal yihiin,” ayey tiri.

Hase yeeshee, waxaa doorashada ku guul darreysatay haweenydi ugu horreysay oo qaban lahayd xilka madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Martha Karura oo horay u soo ahayd wasiirka caddaaladda.

Dalka Kenyana waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay waddamada weli looga fadhiyo inuu wax badan ka qabto dhibaatooyinka ku gadamin sinnaanta jinsiga oo ay haweenka dalka Kenya ay la kulmaan.

3)  Musharrax Madaxweyne oo shacabka Kenya ka yabiyey

George Wajackoyah oo ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha Kenya u taagnaa ayaa warbaahinta maxalliga ah hadal hayn weyn ka abuuray kaddib markii uu soo bandhigay qorsheyaasha u diyaarsan haddii loo doorto xilka ugu sarreeya dowladda.

Wajakoyah oo horay darbi jiif u soo ahaa marki dambana noqday Barafasoor sharciga dhiga ayaa shacabka Kenya gaar ahaan dhalinyarada soo jiitay marki uu ololahiisa doorashada uu ku soo bandhigay qorshahiisa siyaasadeed.

George Wajakoyah

Waxyaabaha la yaabka leh uu sheegayna waxaa ka mid ah in uu caasimadda Kenya, oo ah Nairobi, ka baddali doono, una weecin doono magaalada Isiolo, inuu fasaxayo dumarka umulayo iney isticmaalaan maandooriyaha Binjiga iyo in Kenya dibadda ay u dhoofiso hilibka masasaka iyo Eyda.

Wuxuu sida oo kale ballaan qaaday inuu la dagaallamayo musuqmaasuqa baahsan ee ka jiro dalka Kenya.

Hase yeeshee, Kajakoyah ayaan helin wax ka badan 0.44% codadki doorashada laga dhiibtay.

4)   Musharraxa musqulaha nadiifinayey oo laga guuleystay

Siyaasiga kale ee xilliga ololaha doorashada Kenya ay shacabka Kenya ku maaweeli jiren waxaa ka mid ah Polycarp Igathe oo iisu tagay Barasaabka Nairobi oo ah kursi aad u weyn.

Igathe inta uu ololaha ku jiray wuxuu nadiifiyey musqulo, gawaari ayuu meyray, maqaayad ayuu dadka ugu adeegay isaga oo arrimahaasi oo dhan u sameynayey si uu shacabka ugu dhaadhiciyo inuu diyaar u yahay inuu u adeegayo haddii ay doortaan.

Wuxuuna bulshada la wadagayey isaga oo waratada hareeraha waddooyinka khudaar ama wax la cuno ka iibsanaya isaga oo awoodo inuu dukaamada waaweyn wax ka iibsado.

Haddaba shacabka Kenya ee soo doortay haweenka doorashadi dhacday 9-ka August waxaa laga sugayaa iney ballamihi ay shacabka u qaadeen xilligii ay ololaha ku jireen iney ka soo bixi doonaan iyo inkale.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews