berberatoday.com
Roobab Khasaare Nafeed Gastay Oo Ka Da’ay Magaalada Borama
August 17, 2022 - Written by admin
Borama(Berberatoday.com)-ALLE  ha naxariistee hal qof, ayaa ku dhintay, dad intaasi ka badanina way ku dhawacmeen kadib markii uu qaaday daad ka soo rogmaday roobab mahiigana oo ka da’ay magaalada Boorama iyo degaanada hoos yimaada.

Roobabkan, ayaa geesta kale khasaare gaadhsiiyey ceelasha biyaha ee shirkada Shaaba ee ku yaala dooxa Camuud iyo dugsiyo waxbarasho oo dhawr ah.

Dhinaca kale, waxa ay roobabkan dabaylaha wataa waxyeelo u gaysteen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Camuud, kuwaas oo ay kaga le’deen tiro badan oo xoolo ah, waxaana kormeer ay xaalada ugu kuurgalayaan deegaankaasi ku tagay maamulka gobolka Awdal iyo masuuliyiinta shirkada Shaaba, iyagoo tacsi u diray dadkii ay saameeyeen Roobabkaas.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axamed Caalin Tiinbaro, ayaa bulshada ku cannaantay sida ay uga faa’idaysan lahaayihiin biyaha roobka.

Tiinbaro waxa uu warbaahinta la wadaagay khasaaraha ilaa hadda la og yahay ee ay keeneen roobab mahiigana oo ka da’ay magaalada Borama iyo degaanada hoos yimaada.

“Nimaca waliba nusqaanteeday leedahay roobkii da’ay khasaaraha uu gaystay waxa ka mida halka qof ee dhintay, kaas oo ay qaaday Dooxa Camuudeed, iskuulkii oo uu dumiyay, adhi badana wuu laayay iyo biyihii oo uu ka jaray magaalada.

Magaalada Borama xalay oo dhan roob ayaa ka da’ayay haddana qof foosto mijaroorkiisa hoos dhigtay oo ka dhaansaday ma jiro, waar reerkastaba haddii uu barkadyar sameysto oo 20 foosto u qaada inta ay ugu yar tahay 20 cisho ayuu biyo haysan lahaa, marka waxay u muuqata in aynaan u jeedin in aynu biyahan si uga faa’idaysano, dadka guryaha leh waxaan leeyahay qofkasta haysku dayo in uu sameysto weel biyaha uu ku kaydsado”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axamed Caalin Tiinbaro.

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews