berberatoday.com
Iran Iyo Imaaraadka Oo Dib Usoo Celinaya Xidhiidhkoodii
August 23, 2022 - Written by admin

Dubia(Berberatoday.com)-Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Iran, ayaa haatan qorshaynaya inay dib u soo celiyaan xidhiidhkoodii diblomaasiyadeed muddo haatan ku siman lix sannadood oo uu xumaa xidhiidhka u dhexeeya labadan dal.

Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa haatan qorshaynayaa inuu dib ugu celiyo dalka Iran safiirkiisa u fadhiyey magaalada Tehran, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta, arrintan oo u muuqata inay tahay tallaabo uu Imaaraadka Carabtu ku dardargelinayo dedaallada la doonayo in lagu wanaajiyo xidhiidhka ay la leeyihiin dalka Iran.

Wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa baahisay in Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan dalka Iran, Saif Mohammed Al Zaabi, uu dib ugu laaban doono magaalada Tehran maalmaha soo socda si uu “u sii wado xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labadan dal ee deriska ah” hore loo sii wado si loo gaadho danaha guud ee labada dal ee deriska ah iyo gobolka,”.

Tallaabadan, ayaa imanaysa iyadoo dublamaasiyiinta Mareykanka iyo Iran ay hadda doonayaan inay soo gebagebeeyaan wadahadalo u socday muddo 16 bilood oo ku saabsan sidii loo soo nooleyn lahaa heshiiskii hubka nukliyeerka dalka Iran ee ay sannadkii 2015 wada gaadheen, dalka Iran iyo quwadaha caalamiga ahi, taas oo markii dambe uu ka baxay dalka Mareykanku.

Wakaaladda Wararka ee AP

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews