Gudidii Ganacsatada Ahayd Ee Dhex dhexaadinaysa Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Oo Soo Saaray Bayaan.
August 26, 2022 - Written by admin
Ganacsatadii Dhex dhexaadinaysan Khilaafka Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Oo Soo Saaray War Murtiyeed iyo Qodobada Ay Ay U Arkaan Xalka Labada Dhinac:
Talo soojeedin ku saabsan doorashooyinka
Anaga oo ah ganacsato isku xilqaamay sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan doorashooyinka soo socda, waxannu la tashanay khubaro sharciyaqaanno ah shirar aannu yeelanay ka dib. Waxa noo soo baxday in arrinta la isku hayaa tahay mid sharci. Haddaba annaga oo ka duuleyna muhiimadda ay leedahay in golayaasha sharciga loo noqdo marka muran noocan oo kale ahi yimaaddo, waxaannu garannay in aannu talooyinkan u jeedinno golayaasha sharci dejinta.