“Waan Ogolnahay In Mudo Kordhin Kooban Loo Sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi”Faysal Cali Waraabe
August 27, 2022 - Written by admin
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi uu siiyay laanta af-Soomaaliga ee BBC ku sheegay in xisbigiiga uu oggol yahay in muddo kordhin farsamo ah loo sameeyo xukuumadda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.
Injineer Faysal ayaa dhanka kale soo dhaweeyay talooyin ay Khamiistii soo jeediyeen guddi ka kooban ganacsatada Somaliland oo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan ururada ay mar qura wada dhacaan.
“Farsamo ahaan way yara durkaysaa [doorashada] sidii 2009-kii, laakiin waxaanu jecelnahay in aanay lix bilood ka badan. Beesha caalamku waxay nagu tiri afar ilaa lix bilood wixii ka badan sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysaa. Marka farsamo ahaan waan oggol nahay wixii durkin ah,” ayuu yiri guddoomiyaha UCID.
Xisbiga Waddani oo marar badan sheegay in aanu aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaan dhankiisa weli ka hadlin talooyinka guddiga ganacsatada ah ay ka soo jeediyiin xallinta khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Somaliland.
Mudaharaad ay xisbiyada mucaaradka uga soo horjeedaan xukuumadda oo magaalooyin kamid ah Somaliland ka dhacay 11-kii bishan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof, sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi.