Nin Baadigoobaya Malaayiin Dollar Oo 9 Sano Kahor Kaga Luntay Goob Khashinka Lagu Qubo
August 29, 2022 - Written by admin
Ku dhawaad 10 sano ka hor, James Howells ayaa lumiyay mid qalabka uu ku keydiyo xogta (hard drive) oo ay ku jiraan macluumaadka Bitcoin, xilli uu nadiifinayay gurigiisa.
Macluumaadka Bitcoin ee ku jiray qalabkaas ayaa qiimihiisa haatan lagu sheegay 184 milyan oo dollar, waxaana Howells uu damacsan yahay inuu faago qashin qub uu tuhunsan yahay in qalabkaas lagu tuuray.
Howells oo injineer tiknolaajiyadda ah ayaa u ballanqaaday maamulka magaalada Newport ee Wales ee maamula qashin qubkaas inuu siin doono 10% lacagta ku jirta qalabkaas, waa haddii loo oggolaado inuu sameeyo baadigoobkiisa.
Hase yeeshee maamulka magaalada ayaa ku doodaya in faagidda qashinkaas ay horseedi karto dhibaato ku timaada deegaanka.
Qorshaha uu ku doonayo in qalabkaas looga baaro qashin qubka ayaa noqon doona hawl adag, maadaama ay tahay in la faago jawaano qashin ah oo halkaa yaallay muddo tobanaan sano ah.
Howells ayaa rumaysan in sanado badan kadib uu hadda haysto dhaqaalo ku filan iyo hab casri ah oo ku baadigoobi karo hard drive-kaas ay ku jirto xogta lacagta badan.
“Faagidda qashin qubka ayaa noqon doonta hawl ballaaran. Waxaan soo iibsaday qalab tiknoolajiyad ku shaqeeyo oo si fudud u ogaan kara halka uu yaallo hard drive-ka. Sidoo kale, waxaa hawsha ila fulin doona khubaro deegaanka fahansan,” ayuu yiri Howells.
Qabada kale ayaa ah in xitaa haddii la helo hard drive-ka uu noqon doono mid hagaagsan oo si badqab leh looga soo saaro xogta ku keydsan.
Haddii se ay wax waliba noqdaan sida uu rabo Howells, waxa uu heli doonaa lacag malaayiin dollar ah, inkastoo qeyb kamid ah lacagtaas ay goosan doonaan hay’adaha siiyay qalabka iyo khubarada.
James Howells ayaa doonaya in haddii uu helo maalkaas ka lumay uu mashaariic horumarin ah ka sameeyo magaaladiisa Newport.
“Waxaan doonayaa in aan sameeyo goob ay bulshada magaalada ka urursan karto xogta Bitcoin, isla markaana ay xaruntaas noqonto mid isticmaasha tamar aan hawada wasakheyn doonin,” ayuu yiri Howells.
Waxa uu sidoo kale doonayaa in dhammaan dadka ku dhaqan magaaladaas uu midkiiba siiyo Bitcoin u dhiganta 50 pound, si uu u dhiirageliyo.
Sidaa oo ay tahay, maamulka magaalada Newport ayaa weli ku adkeysanaya in Howells aan loo oggolaan karin inuu faago qashin qubka, maadaama taasi ay horseedi karto dhibaato dhanka deegaanka ah.