Diyaarad Qaad Siday Oo Lagu Rasaaseeyay Garoonka Diyaaradaha Laascaanod Iyo Dad Ku Dhaawacmay
September 2, 2022 - Written by admin
Laascaanood(Berberatoday.com)-Inta la xaqiijiyey 4qof aya dhaawacmay kadib iska hor imaad saaka hiirtii waabari ka dhacay garoonka diyaaradaha Laascaanood.
Kooxo qaadlayaal ayaa isku rasaaseeyey garoonka kadib markii laysku qabtay diyaarad siday qaad oo labada dhinac ay isku maandhaafeen imaanshaheeda.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradii siday qaadka ay qudheeda xabado ku dhaceen iyadoona isla markiiba garoonka dib uga duushay.
Mudooyinkii udanbeeyey waxaa jiray muran la xiriiira soodejinta qaadka mirooga ee ka yimaada kenya kaasi ay isku hayeen ganacsato qaadwaleyaal ah.