Tplf Oo Sheegtay In Ciidamada Eritariya Iyo Kuwa Itoobiya Weerar Kusoo Qaadeen Gobolka Tigrey.
September 2, 2022 - Written by admin
Mekelle(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday Waqooyiga Itoobiya uu sii xoogaystay, kaddib markii sida la sheegay ay dagaalka kusoo biireen Ciidamada Eritariya oo garab siinaya kuwa Itoobiya.
Sida uu sheegay Afhayeenka TPLF Getachow Reda, Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritariya ayaa si wada jir ah waxay weeraro kusoo qaadeen gobolka Tigray, iyagoo bartilmaameedsanaya kooxda TPLF.