Alshabaab Oo La Sheegay Inay Dad Shacab Ah Oo 20 Ruux Kor Udhaafay Ku Dishay Duleeda Magaalada Beledweyne
September 3, 2022 - Written by admin
Hiiraan(Berberatoday.com)-Al-shabaab ayaa la sheegay in dad rayid ah oo kor u dhaafaya 20 qof ay ku dileen dulleedka magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Hiiraan ayaa sheegay in Al-shabaab gubtay baabuur ay wateen dad rayid ah oo socdaal ah halkaas oo dad badani ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.
Dadka dhintay waxa ku jira Haween iyo Carruur sida ay sheegeen dadka ka badbaaday weerarka oo iyagu yaacay markii Xabadda lagu bilaabay.
Al-shabaab weli wax war ah kamay soo saarin dilka dadkan.