berberatoday.com
Colaada Itoobiya: Seddax Arrin Uu Mareykanku Doonayo In Si Deg-deg Loo Sameeyo
September 4, 2022 - Written by admin

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dowladda Mareykanka, ayaa Jimcihii u dirtay dalka Itoobiya ergey, si uu u soo afjaro dagaallada kasoo cusboonaaday dalkaasi, iyadoo cambaaraysay dowladda ay dariska yihiin ee Ereteriya, oo dib u soo gelisay colaadda gobolka Tigreega ciidankeeda.

Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa todobaadkan u kicitimi doona dalka Itoobiya.

“Wuxuu gudbin doonaa in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan hawlgallada milatari, iyo inay isku soo hor fadhiistaan wada hadal nabadeed,” ayay tidhi xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre.

“Waxaan cambaareyneynaa ku soo noqoshada Eritrea ee colaadda, duullaanka TPLF ee ka socda meel ka baxsan gobolka Tigreega, iyo duqeymaha cirka ee dowladda Itoobiya,” ayay u sheegtay suxufiyiinta.

Dagaalada, ayaa todobaadkii hore dib uga soo cusboonaaday gobolka waqooyi ee Itoobiya, kadib muddo shan bilood ah oo uu hakad ku jiray.

Arrintan, ayaa meesha ka saartay rajadii laga qabay in si nabad ah lagu xaliyo dagaalka mudada labada sano ku dhaw socday, iyo in lasoo afjaro dhibaatada bini’aadantinimo ee gobolka Tigreega ka jirta.

“Ma jiro xal milatari oo lagu soo gaba gabeyn karo khilaafka,” ayey tidhi Jean-Pierre.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay is-xakameeyaan, waxaana ku boorrinaynaa inay xaaladda dejiyaan, gaar ahaan si ay u suurogasho in dib loo bilaabo gargaarka bani’aadannimada iyo adeegyada aasaasiga ah.”

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in Hammer, oo ah dublamaasi ruug-caddaa ah oo shaqadiisu ay sidoo kale kamid tahay arrimaha Sudanta cakiran iyo Soomaaliya, uu u safri doono Axadda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews