“Laga Yaabaa Komishankan Cusubi In Uu Noqdo, Komishankii Ugu Nasiibka Darnaa Somaliland”Siyaasi Cali Guray.
September 7, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) ayaa komishanka cusub ee doorashooyinka somaliland ee maanta la ansixiyay xubnihii ugu danbeeyay ku tilmaamay in ay noqon doonaan komishankii ugu nasiibka darnaa somaliland intii ay jirtay isagoo ka hadlaya wuxu yidhi;
Komishankii Ugu Nasiibka Darnaa Somaliland Intii Ay Jirtay
Laga Yaabaa Komishankan Cusubi In Uu Noqdo Komishankii Ugu Nasiibka Darnaa Waayo Somaliland Waxa Suurogal ah in Aanay Wax Doorasho ah Oo Sidii Komishankii Hore la Isula Ogol Yahayba Aanay Qabsoomin. Doorasho Aan la Isla Ogolaynna Iyada Hadalkeedaba Daa.