Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi Oo Booqday Maxkamadda Sare Ee Somaliland Muxaadarana Ujeediyay Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose Ee Gobolka Maroodi-jeex.
September 7, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex Qaariga weyn Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi iyo culimo kale oo wehelinayay kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku sugnaa. Guddoomiyaha ayaa ugu horayn Sheekha warbixin ka siiyay geedi-socodka wanaagsan ee Hay’adda Garsoorka iyo sida sannadba sannadka xiga horumar baaxad leh ay ugu talaabsanayso. Geesta kale Sheekh Cabdirashiid ayaa la fadhiistay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare waxaanu ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in qofku mar walba Ilaahay ku xidhnaado kuna ducaysto in Ilaahay ka nabad-galiyo sharka naftiisa.