Xukumada Somaliland Oo Xayiraad Shaqo Joojina Kusoo Rogtay Tv-ga Madaxa Banaan Ee Codka Bariga Afrika CBA
September 7, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xayiraad duldhigtay TV-ga codka bariga Afrika CBA oo xaruntiisa guud tahay Hargeysa.
Weli sababta ay u xayirtay Xukuumaddu ma sheegin.
Xayiraada muuq baahiyaha CBA ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawr maalmood ka hor Madaxweyne Muuse Biixi, sheegay in ay jiraan TV-yo iyo Idaacado si bilaash ah u shaqaynaya oo Bulshada warar u gudbinaya.
Berberatoday.com