Xanuunka Xumada Hargeysa Lagu Arkay Iyo Khatartiisa Uu Ka Digay Dr Omar Shucayb
September 9, 2022 - Written by admin
“Khatarta Viruska DENGUE FEVER waa xanuun xumad daranleh oo hada magaalada Hargaisa si daran ugu jira.
Xanuunkan waxa fidisa noocyo kamida kaneecada , oo markay qaniinto qof qaba u gudbin karta qofka kale ee caafimaad qaba.
Calaamadaheedu waa xumad daran iyo marmarka qaar hunqaaco , waxa kale oo ay keenta dhiig kufurma qofka sanka amaba madaxa kaaga furmi kara.
Fadlan talooyinkan qaado, degdeg ugee qofkasta oo xumadleh goob caafimad si loola tacaalo xumada.
Hadii familiga qaar qabaan fadlan marakaneeco ha xidhaan, gurigana kaneecada ka buufi.
Ogow khatar ayay gelinkartaa caruurta yaryar iyo dumarka uurka leh, sidoo kale dadka difaacoodu hooseeyo ama la nool xanuunada hore jidhkiisa ugu jiray.
Ma jirto dawo aan ahayn xumad jebin oo la siin karaa hadii aanay keenin caabuq kale oo sababa xaladeedu inay ka sii darto.
Waad ka helaysaa oo way taala waxii lagu baadhayay qaar kamida goobaha Cafimaadka ee private ka ah intaan ka war hayo.
Fadlan dadka xanuunkan qaba waxa kareeban isticmaalka Asbiriinka ama waxkasta oo khafiifiya dhiiga ( blood thiner drugs).
Cabitaan badan iyo khudaar badan isticmaal si aad ugu hesho tamar aad iskaga difaacdo.
ILAAHAY haynaga badbaadiyo.
Waxa Qoray Dr Omar Shucayb Mohamed