Madaxweyne Muuse Biixi Shaaciyay Wakhtiga Rasmiga Ah Uu Dhacayo Liisanka Xisbiyada Qaranka Ee Kulmiye, Wadani Iyo Ucid
September 11, 2022 - Written by admin
Gabiley(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, uu wakhtigoodi dhamaaday oo ay yihiin xisbiyo kumeel gaadh ah, isla markaana ay tartanka ka hadhayaan hadii anay sharciyadooda keenin 28 bishan.
Madaxweyne Biixi oo maanta hadal ka jeediyay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay arday ka baxday Jaamacada Timacadde ee magaalada Gabiley, ayaa sheegay in xisbigii aan sharciyadii soo xerayn 28 bishan, uu ka hadhayo tartanka oo saaxada ka baxayo sidii ku dhacday xisbigii mudada dheer talada Somaliland hayay ee UDUB.