berberatoday.com
Cristiano Ronaldo Oo Kusii Jeeda Kooxaha Horyaalka Dalka Sucuudiga Oo Lacago Malaayin Dollar Ah Ku Raadinaya
September 13, 2022 - Written by admin

“Waxaan Rajeynayaa In Cristiano Ronaldo Uu Imaan Doono Horyaalka Sacuudiga” – Yasser Al-MisehalYasser Al-Misehal oo ah Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Xiriirka Kubadda Cagta Sacuudiga. Ayaa wuxuu sheegay inuu rajeynayo in ciyaaryahan weyn sida Cristiano Ronaldo uu u yimaado inuu u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha Sacuudiga mustaqbalka.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in kooxaha Al Hilal iyo Al Nasr ay galeen wada xaajoodyo lagu soo saxiixanayo Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago Manchester United inta lagu guda jiray suuqii kala iibsiga xagaagan.

Waxa la sheegay bartamihii bishii July in Ronaldo uu helay dalab aad u weyn oo ku kacaya 300 milyan oo dollar si uu ugu biiro koox Sucuudi ah oo aan magaciisa la sheegin wakhtigaas, si uu u helo xiddiga reer Portugal 250 million euros laba sano gudahood iyo 125 million euros oo mushahar sanadle ah, halka Manchester United ay heli doonto 30 million euros.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Athletic Yasser Al-Misehal ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku xaqiijiyay:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan arko Cristiano Ronaldo oo ku sugan Sacuudiga.”

“Xaqiiqdii, waxaan ahay taageere Cristiano Ronaldo, imaatinkiisa Boqortooyada waxay shaki la’aan ku yeelan doontaa dhawaaq weyn oo ballaaran oo caalami ah iyo gobolka.”

Madaxa xiriirka kubbada cagta Ingiriiska ayaa tilmaamay in kooxaha ka dhisan Sacuudi Carabiya ay xiiseynayaan qandaraasyada ciyaartoyda ugu sareysa sida Cristiano Ronaldo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews