Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha Ee Heer Qaran.
September 13, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweynaha madasha dhaqaalaha heer qaran oo maanta la ibo furay.

Shirweynahan oo lagu lafo-gurayo arrimo kala duwan oo ku saabsan dhaqaalaha dalka oo ay kamid yihiin fursadaha maalgashi ee Somaliland yaalla iyo caqabadaha ku xeeran iyo doodo ku saabsan wax soo saarka dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha Baanka dhexe, agaasimeyaal guud, aqoonyahanno dhaqaalaha ku takhasusay iyo haldoor kale oo xukuumadda iyo qaybaha kale ee bulshadaba katirsan.