berberatoday.com
Danab Dad Ku Laayay Magaalo Ka Tirsan Somaliland
September 16, 2022 - Written by admin

Oodweyne(Berberatoday.com)-Ugu yaraan inta la xaqiijiyay Hal Qof, ayaa dhintay, halka Laba Qof oo kalena ay dhaawacmeen, kadib markii uu danab ku dhacay qoys 7 Qof ka koobnaa oo ku dhaqan deegaan u dhexeeya magaalooyinka Oodwayne Iyo Xaaxi ee Somaliland.

Danabkan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay ka da’ay gobolka Daad-madheedh, ayaa sababay dhimashada Hooyadii Qoyska, isagoona dhaawacay laba caruur ah, Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee cusbitaalka magaalada Oodwayne Dr. Mustafe Maxamed Biixi.

Agaasimaha Guud ee cusbitaalka magaalada Oodwayne Dr. Mustafe Maxamed Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in goobtii mashaqadu ka dhacday lagaga yimid saddex caruur ah iyo aabahood, kuwaasi oo jira da’da 2, 8 sanno iyo 10 sanno.

Waxaa uu sheegay agaasime Mustafe in xaaladoodu wanaagsan tahay, laakiin cusbitaalka la keenayo si xaaladooda loola socdo.

Madaxda gobolka Daad-madheedh iyo degmada Oodwayne, ayaa Alle uga baryay in uu hooyada dhimatay jannadii Fardowsa ka waraabiyo, isla markaana uu u boogo dhayo labada caruura ee dhaawaca ah

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews