Madaxweynaha Dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamud Oo Kulan La Yeeshay Xoghayaha Difaaca Ee Dalka Maraykanka.
September 17, 2022 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington, xoghayaha difaaca dalka Maraykanka, Lloyd James Austin.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay xoghayaha difaaca dowladda Maraykanka Lloyd James xoojinta xidhiidhka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.