berberatoday.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xalay Kulan La Yeeshay Cuqaasha, Waxgaadka, Haweenka Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Gobolka Sool.
September 20, 2022 - Written by admin
Laascaanood(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Sool, ayaa caawa kulammo kala duwan la yeeshay cuqaasha, salaadiinta, haweenka, haldoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sool ku dhaqan.
Kulamada uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi caawa la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sool, ayaa ujeeddadoodu ahayd sidii ay madaxweynaha iyo bulshadu iskaga xogwaraysan lahayd horumarka xukuumaddu gobolka ka fulisay, islamarkaana looga wada shaqayn lahaa nabadgelyada iyo wada jirka bulshada.
Cuqaasha, garaaddada iyo haweenka gobolka, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay waxqabadka muuqda ee xukuumadda gobolka ka fulisay, waxana ay ballanqaadeen inay sii laban laabayaan taageerada ay xukuumadda u hayaan iyo garabsiinta hay’adaha kala duwan ee ammaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo bulshadii kala duwanayd ee uu la kulmay khudbad u jeediyey, ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay shacabka reer Sool ugu soo dhaweeyeen gobolka isaga iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ka go’an tahay horumarinta gobolka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews