Ciidamada Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqaymo Ay Ka Fuliyeen Gudaha Somaliya Ku Dileen 27 Kartirsan Kooxda Al shabaab!
September 22, 2022 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay Meel ku dhow Degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, 18-kii Sebtembar ee Todobaadkaan.

War qoraal oo maanta kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqayntan lagu dilay 27 katirsan dagaalamayaasha Ururka Alshabaab.