Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabis Cusub Sameeyay
September 24, 2022 - Written by admin
WAREEGTO MADAXWEYNE: 24 /09/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland. (Beddel) hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
In Mudane, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.