Alle Ha Unaxariisto Caalimkii Weynaa Ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi Oo Geeriyooday
September 26, 2022 - Written by admin
Allah ha u naxariistee waxa hadda geeriyooday Caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi, sida ay baahisay Warbaahinta Aljazeera.
Sheekha ayaa ka mid ahaa culimadii ugu saamaynta badnayd Caalamka Islaamka isaga oo qoray kutub aad u badan. Sidoo kale wuxuu si weyn uga hadli jiray arrimaha ka taagan Dunida Islaamka.
Sheekh ayaa geeriyooday maanta oo Isniina xilli da’diisu ahayd 96 sano.
Berberatoday.com