Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee JSL Oo Dhaariyay Xubin Buuxinaysa Jago Ka Bannaanaatay Golaha Guurtida.
September 28, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/09/2022, dhaariyay Cumar Mukhtaar Ciise Faarax, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.
