Somaliland; Murannada Siyaasadda Iyo Saameynta Taban Ee Ay Ku Yeesheen Nolosha Iyo Horumarka Dadka Iyo Dalka! “
September 30, 2022 - Written by admin
“Daraasad Uu Qoray Eng. Xuseen Aadan Cige (Hussein Deyr)
QAYBTA 1-AAD
HORDHAC:
Sannadihii ugu dambeeyey, nolosha bulshada Somaliland waxa si weyn u hadheeyey Muranno Siyaasadeed oo cakiran oo soo noq-noqday oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah.
AFEEF:
Qoraalkan koobani kama jawaabayo nuxurka arrimaha la isu hayo. Sidoo kale, qoraalkani kama gar-naqayo labada dhinac ee is haya kooda qaldan iyo kooda saxa ah. Laakiin qoraalkani wuxuu si guud isu dul taagayaa saamaynta ay Murannada Siyaasaddu sannadahan dambe ku yeesheen nolosha bulshada JSL.
In kasta oo ay bulshada JSL in badan u dheg taagayeen xal-u-helida arrimaha la isu hayo, laakiin nasiib darro Murannada Siyaasadda ee ka jira dalkeena waa kuwo marba marka ka dambaysa yeelanaya weji cusub oo hor leh.
Marka la eego waxyeelada ka dhalatay Murannada Siyaasadda ee soo noq-noqday iyo saamaynta taban ee ay ku yeesheen:
Haddaba, saamaynta ka dhalatay Murannada Siyaasadda ee cakiran, waxa la odhan karaa waxa ugu muhiimsan dhawrka qodob ee soo socda:
Murannada Siyaasadda ee soo noq-noqday waxay sababeen niyad jab iyo kalsooni darro bulsho oo la xidhiidha nidaamka doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee uu dalkeenu qaatay 20 sano ka hor. Waqtigan xaadirka ah, waxa hoos u dhacay xiisihii iyo xamaasadii ay codbixiyeyaashu u hayeen nidaamka dimuqraadiyada. Mana muuqato faa’iidada uu hannaanka dimuqraadiyaddu u leeyahay nolosha bulshada Somaliland. Aqlabiyadda bulshada Somaliland waxay haatan is weydiinayaan su’aasha ah: Hannaanka Dimuqraadiyada iyo Axsaabta Siyaasadda ee aynu qaadanay, ma horumar bay inoo keeneen mise dib-u-dhac?