berberatoday.com
Dawlada Itoobiya Oo Ciidamo Soo Galisay Soomaaliya
October 3, 2022 - Written by admin

Gedo(Berberatoday.com)-Wararka laga helayo gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamo horleh oo ka socdo dalka Itoobiya ay gudaha u galeen gobolkaasi, kadib markii ay ka soo talaabeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca dowlad deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegay in ciidamadaan oo gaadhaya dhowr boqol oo askari ay gaadheen deegaano hoostaga degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka sameysteen fadhiisimo ciidan, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo aad u culus.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ka socda Itoobiya ay aad u qalabeysan yihiin, isla-markaana ay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay gobolka Gedo, ayaa la sheegay in ayna qayb ka ahayn kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Saraakiil amniga, ayaa dhankooda shaaca ka qaaday in ciidamadan ay ka qayb-geli doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo Soomaaliya.

Arrintan, ayaa waxaa ay daba socotaa dhaq-dhaqaaq ay maalmihii u damabeeyey saraakiil ka socota dowladda Itoobiya ka wadeen gobolka Gedo, kuwaas oo saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo lala lahaa kulamo la xidhiidha amniga.

Dhaq-dhaqaaqa ay haatan gudaha Soomaaliya ka bilaabeen ciidamada Itoobiya, ayaa ku soo beegmaysa, kadib safarkii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee Addis Ababa, kaas oo wadahadallo la yeeshay ra’iisal wasaare Abiy oo uu hordhigay ka qayb qaadashada dagaalka Al-Shabaab.

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii ay kooxda Al-Shabaab gudaha u gashay dhulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay ka fuliyeen weeraro maalmo badan qaatay, isla-markaana dhaliyay khasaare xoogleh oo isugu jira dhimasho, dhaawac.

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews