berberatoday.com
Manchester City Oo NUS DARSAN Goolal Ah Kaga Adkaatay Manchester United Oo Marti Ugu Ahayd Garoonkeeda Etihad Stadium
October 3, 2022 - Written by admin

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad ku xasuuqday Man United, kaddib markii ay kaga adkaatay 6-3, kulanka lugta hore horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 8-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Phil Foden, kaddib markii uu ka caawiyay Bernardo Silva.

34 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Haaland oo caawin ka helay De Bruyne ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Haaland oo markale ay caawin kaga timid De Bruyne ayaa daqiiqadii 37-aad wuxuu ciyaarta gaarsiiyay 3-0 ay ku hor kaceysay Manchester City.

44 daqiiqo Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 4-0 ka dhigay Phil Foden, kaddib markii ay caawinta goolkan kaga timid saaxiibkiis Haaland.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda Manchester United ayaa dhalisay gool kaddib markii uu 4-1 ka dhigay Antony oo caawin ka helay Eriksen.

Laakiin 64 daqiiqo Haaland oo ay caawin kaga timid Sergio Gómez ayaa ciyaarta ka dhigay 5-1 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Foden oo ay caawin kaga timid Haaland ayaa daqiiqadii 73-aad wuxuu soo gabagabeeyay bandhiga goolasha kulankan ee kooxda Manchester City, wuxuuna ciyaaarta ka dhigay 6-1.

Laakiin daqiiqadii 84-aad Manchester United ayaa dhalisay markale gool waxaana 6-2 ka dhigay Martial oo badel ku soo galay ciyaarta.

90 + 1-aad Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Martial, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 6-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 6-3 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United oo marti ugu ahayd garoonka Etihad. Xilli kulankan leyska dhaliyay 9 gool.

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews