berberatoday.com
Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Dishay Mid Kamid Ah Hogaamiyayaasha Ugu Sarreeyay Al-shabaab
October 4, 2022 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaashii ugu sareeyay Al-shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir oo ahaa madaxii dacwada ee Kooxda Al-shabaab ahaana mid ka mid ah kuwii awoodda badan Al-shabaab, ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inuu sarkaalkaan hore u soo noqday madaxii shuurada iyo maaliyadda kooxda Al-shabaab, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda Al-shabaab.

Dowladdu waxay sheegtay inuu ahaa ninkii loo qorsheynayay inuu beddelo hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye Cali oo la sheegay inuu xanuunsan yahay muddo sanado ah.

Sarkaalkan la dilay, ayaa madixiisa waxaa saarnayd lacag, wuxuuna kamid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an in la ciqaabo kuwa  ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliya.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews