Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Oo Ka Hadlay Askari Lagu Dilay Magaalada Hargaysa.
October 5, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha ciidanka booliska somaliland Ayaa ka hadlay askari cìidanka booliska katirsanaa oo nin budhcada moobilada dhacdaa ku diley magaalada hargaysa.
Taliyaha ciidanka Booliska jsl Sareeye Gaas Maxamed Aadan “Dabagale” ayaa qoraal lagu Baahiyay boga ciidanka BOOLISKA Somaliland kaga hadlay askari Katirsanaa ciidanka Booliska Oo saaka Nin Budhcada Moobilada dhacdaan oo Ku hubaysnaa Tooray uu ku diley Magaalada Hargaysa, xili Marxuumku Ku jiray hawlgal. Wuxuna udhignaa sidan:
“INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUU”.