Askari Katirsan Ciidan Booliska Somaliland Ee Hargeysa Oo Nin Budhcadi Tooray Ku Dilay.
October 6, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warkan oo ka soo xiganay Ciidanka Booliska Somaliland ayaa faahfaahintiisu u dhignayd sidan.
Ciidanka Booliska Somaliland waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Eedaysane Sakariye Maxamed Aadan oo loo haysto dilka Dable Pol.Cadnaan Axmed Cabdi.
Eedaysane Sakariye Maxamed Aadan ayaa dilka Askarigan u adeegsaday Tooray uu kaga dhuftay laabta.
Eedaysanahan Ayaa ahaa budhcad Aalaaba Caadaystay Dhaca moobilada iyo jidgoyada Dadka waxaana wakhtigaas uu toorayda ku dhuftay Askarigaasi ku jiray hawlgal iyo shaqo qaran oo uu ku soo qabanaayay Eedaysanhan Oo mobile ka qaaday dad shacab ah isaga iyo koox la socday.
Eedaysanaha ayaa markii uu falka geystay isku dayay inuu baxsado balse Ciidanka Booliska ayaa markiiba ka jawaabay oo gacanta ku soo dhigay waxaana uu Wakhtigan ku jiraa xarunta Dambi baadhista Ee (C I D).
Ugu Dambayn Ciidanku waxa uu u gudbin dontaa Eedaysanaha Xeerilaalinta iyo Maxakamada Si ay waajibaadkoga qaran uga Gutaan.
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL.