berberatoday.com
Arsenal Oo Ka Talaabsatay Liverpool Guul Darana Uxambaarisay
October 9, 2022 - Written by admin

Ka dib ciyaar kalsooni iyo dhiiranaan ay ku soo galeen Arsenal ayaa guul ka gaartay Livrpool oo ay uga talaabsadeen sedex gool iyo laba

Sheekada ciyaarta , qeybta hore , Arsenal ayaa nasiinada ugu dirtay Liverpool 2/1 ka dib ciyaar si isugu jacsbursaneyd waxa ayna Arsenal gool-ka 1-aad ku dhaliyeen 58 il biriqsi

Ka dib bandhig fiican ay sameeyeen kubaddana waa ay gaaarsiinayeen aagga goosha Liverpool , xilli kooxda Klopp laba fursad gool noqon kartay uu u diiday goolhayaha Arsenal

Arsenal waxa ay ku fiicnaayeen cadaadiska iyo baacsiga kubadda  halka Liverpool ka  sheeganayeen sameynta   masaaxooyin daafacoodana si ayuu u kala fogaa , waxa uuna goolka Arsenal yimaadeen waqtigii dheeriga ee dhamaadka ciyaarta.

Liverpool afkaartooda waxa ay ahaayeen mid la aqrisan karo kulamaa ay isku dayaan in kubadda soo dhisaan xilli Arsenal qeybtaas xarfaan ku ahaayaan habka kubad xoogista , waxa uuna goolka Liverpool daqiiqaddii 34-aad waxaana saxiixay Nunes ka dib kubad uu ka shaqeeyay Diaz kaasi oo dhaawac looga saaray ciyaarta daqiiqadii 42-aad lagu badalay Roberto Firmino

Soo laabashadii Arsenal cadaadis ayay ku bilaabeen kubadana waa ay gaasriinayeen goosha Livperpool balse waxa ay iloobeen  daafaca oo  si ka bad badis ah ayay u soo baxayeen ilaa Firminho ku helay gool cajiib ah daqiiqadii 53-aad

Ka dib dhacdadaas , kubadda waa u furneyd labada dhinac , kubad raacasho leh ayay ciyaarayeen .

Arsenal cadaadisa waa ku fiicnaayeen waana mid aan horay looga baran ilaa ay heleen rigoore ka dib qalad alcantara uu ku galay Jesus waxaana laaday oo shabaqa dhigay Saka daqiiqadii 75-aad

Liverpool dabacsanaan qada dhexe iyo daafaca ayaa ka muuqday , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo ay Arsenal ku garaacday Liverpool

Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Xasuuqday Liverpool.

Kooxda Arsenal ayaa garaacday Liverpool kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League iyaga oo xaalka ku xumeeyay kooxda Jurgen Klopp.

Goolal ay dhaliyeen Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka (2) ayaa Arsenal ka caawiyay in ay garaacdo Liverpool waliba dhabarka u saarto guuldaradii 2-aad ee premier League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay Arsenal garaacday Liverpool.

1.Goolkii Gabriel Martinelli ayaa ahaa goolkii ugu dhakhsaha badana ee ay Arsenal ka dhaliso premier League tan ilaa October 2011.

2.Sidoo kale goolka Gabriel Martinelli ayaa ah goolkii ugu dhakhsaha badnaaa ee ay Arsenal ka dhaliso Liverpool horyaalka premier League.

3.Gabriel Martinelli ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee Arsenal gool u dhaliya mid kalena caawiye premier League iyaga oo ka hor tagay Liverpool.

4.Xiddiga Bukayo Saka ayaa ah xiddigii 2-aad ee ugu yaraa ee Arsenal u dhaliya 20 gool premier League kadib Nicolas Anelka.

5.Arsenal ayaa badisay 8 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu horeeyay premier League markii 4-aad ee taariikhdooda kadib 2007-08, 2004-05 & 1947-48.

6.Dhinaca kale Arsenal ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League kadib 9 kulan oo ay ciyaartay markii ugu horaysay tan ilaa 10 December 2016.

7.Kadib markii ay 10 kulan ka heleen 8 kulan oo ay ciyaareen, Liverpool ayaa ku jirta rikoodhkii ugu xumaa ee taariikhdooda premier League tan ilaa 2012/2013 markaas oo ay 9 dhibcood ka heleen waxana ay xilli ciyaareedka ku dhamaysteen kaalinta 7-aad.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews