Qaramaday Midoobay Oo Si Kulul Ucanbaaraysay Tahriibayaal Lagu Laayay Dalka Liibiya.
October 11, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hawlgalada Qaramada Midoobay ee dalka Liibiya ayaa Si Kulul Ucambaareeyey “dilkii ugu foosha xumaa” ee loo geysto 15 tahriibayaal ah oo ka dhacay meel u dhow xeebaha magaalada Sabratha ee dalka Liibiya, iyaga oo ku eedeeyey dilkaas inay ka dambeeyeen kooxaha mukhalasiinta ah ama dilaaliinta wax tahriibiya. Qaramada Midoobay ayaa dalbanaysa in kooxaha falkaas ka dambeeya cadaaladda la horkeeno.
Meydadkan ayaa subaxnimadii Jimcihii laga helay meel xeeb ah, waxaana intooda badan ay ku dhinteen dooni gubatay, sida ay sheegeen Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya iyo Bisha Cas ee isna dalkaas ka hawlgala.