Mareykanka Oo Shaaciyay Magacyada 10 Soomaali Ah Oo Lagu Daray Liiska argagixisada
October 18, 2022 - Written by admin
Waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa maanta shaacisay inay heshay xogta ku saabsan dad ka tirsan shabakad isku xiran oo dhanka fududeynta dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab, kuwaasoo lasoo bandhigay magacyadooda.
Shabakaddan ayaa ku howlanayd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo hawlo la xiriira qorista dadka ku biiraya al-Shabaab.
Sida lagu sheegay warkan, marka laga soo tago in ay hormuud ka yihiin Al-Shabaab, fududeeyayaashan waxa ay xiriir toos ah la sameeyeen saraakiil kale oo horay loogu aqoonsaday iney yihiin Al-Shabaab.
Dhammaan dadkan ayaa lagu daray liiska shakhsiyaadka loo aqoonsaday inay ka tirsan yihiin argagxisada iyadoo loo cuskanayo qaraarka Fulinta (E.O.) 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda.