Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Waxka Qabasho La’aanta Xannuun Halisa
October 18, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka xummadda Dangi ee ku dhufatay shacabka Somaliland ay meel xun marayso, isla markaana xukuumaddu ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato.
Af-hayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka dayriyay xaaladda xummadda, waxa uu sheegay in isbitaaladii buux dhaafeen isla markaana dawooyinku qaaliyihiin.