Somaliland Iyo Baanka Adduunka Oo Shir Uga Furmay Nairobi
October 19, 2022 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya maanta ka furmay shir farsamo oo u dhexeeya dowladda Somaliland iyo Baanka Adduunka, kaasi oo la xidhiidha mashaariicda Baanka Adduunku ka fuliyo Somaliland.
Shirkan, ayaa waxaa Somaliland uga qayb galay Wefdi uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Axmedyaasin Xasan, oo ay ku wehilayaan Agaasimahayaasha Wasaaradaha Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasaarada Horumarinta Biyaha, Maxamed Cabdilaahi Ducaale, Eng Cabdiraxman Belel iyo Xiidhiidhayaha Mashruuca Biyoole ee Somaliland Maxamuud Maxamed Cabdilaahi