“Wallaweynta Iyo Adeegsiga Khaldan Ee Kelmadda”Soomaaliyeed” W/Q: Cali Cabdi Coomay
October 21, 2022 - Written by admin
Wallaweynta iyo Adeegsiga Khaldan Ee Kelmadda”Soomaaliyeed”
W/Q: Cali Cabdi Coomay
Kalmadan ‘Soomaaliyeed’ waxa ay ka turjumaysaa magac qoomiyadeed, waxaana loo adeegsadaa wixii ku abtirsada haybta SOOMAALI. Nuxurka adeegsiga kalmadani waxa ay tilmaamaysaa wax la wada leeyahay oo ka dhexeeya Soomaalida oo dhan. Maadaama oo ay soomaalidii kala dawlado tahay mar kasta oo la adeegsanayo kalmadan waxa la raacinayaa dhalashada dalka soomaaligu ka soo jeedo. Isticmaalka kalmada SOOMAALIYEED waxa ay la mid tahay isticmaalka kalmada “CARBEED”oo ay wada leeyihiin dadyowga ku abtirsada haybta CARABTA.
= Adeegsiga Toosan Ee Kelmadan: Abwaan Soomaaliyeed, oo u dhashay dalka Soomaalilaan, Qoraa Soomaaliyeed, oo u dhashay dalka Soomaaliya, Fannaan Soomaaliyeed, oo u dhashay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Majaajiliste Soomaaliyeed, oo u dhashay dalka Jabuuti iyo Weriye Soomaaliyeed, oo u dhashay Soomaalida waqooyiga Kiiniya. Sidaasi oo kale waxa la mid ah kalmada “Carbeed” oo noqonaysa Qoraa Carbeed oo u dhashay dalka Masar, Fannaan Carbeed oo u dhashay dalka Imaraadka.
= Adeegsiga Khaldan ee Kalmadan: Waxa ay odhanayaan, Madaxweyne Soomaaliyeed, waxaanay ka tegayaan dalkuu u dhashay. Oo dalkuu xukumaa? Ileyn Soomaalidu oo dhami dawlad ma wad lehee?, mooye, waa sheegaa ma dhaafto. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, taliyehee? Ma boolis ay soomaalidu ku mideysan tahay ayaa jira? Maya. Waxa ay odhanayaan, Fannaan Soomaaliyeed, waa sax, dalkuu se u dhashay. Ma Soomaaliya?, ma Jabuuti, Ma Soomaalida Itoobiya, Ma ta Kiiniya, Ma Soomaalilaan?