Haweenay Xildhibaanad Baarlamaan Aheyd Ee Shalay Ugeeriyootay Rasaas Uu Furay Askari Madaarka Jigjiga Oo La Diiday In La Aaso Iyo Sababta
October 26, 2022 - Written by admin
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in aan wali la aasin meydka xildhibaanad Juweeriya Maxamed Ibraahim Subcis, oo shalay ku geeriyootay rasaas uu furay askari ka tirsan ciidamada federaalka ee gacanta ku haya ammaanka garoonka magaalada Jigjiga.
Dad u badan dumar oo ka careysan falkaasi ayaa hor tuban guriga ay dagganeyd xildhibaannada geeriyootay, sida uu kusoo warramay weriyaha BBC-da ee ku sugan halkaas.
Mudaaharaadayaasha ayaa sheegay in ay dalbanayaan caddaalad iyo in raalligelin laga bixiyo “falka argagaxa ku abuuray bulshada” ee shalay dhacay.
“Gabadha xildhibaannadda ahayd ee la dilay iyadoo garoonka ka baxaysa ee aan raalligelin laga bixin ee aan wali ninkii dilay caddaaladda la hor keenin, waxaan rabaa in caddaaladda naloo horkeeno,” ayey tiri mid ka mid ah haweenka dibad baxa dhigayay.
Haweeney kale ayaa cod dheer ku tiri iyana:- “Juweeriya caddaalad ayay u baahan tahay lamana aasayo.”
Juweeriya Maxamed Ibraahim Subcis, ayaa ahayd xildhibaan heer deegaan ah oo laga soo doorto degmada Daratoole ee gobolka Doolo. Rasaasta ay ku geeriyootay Juweeriyo dadka ku dhawaacmay waxaa ka mid ah walaasheed Ayaan, iyadoo aabbeheedna uu aad uga naxay dhacdadaan uuna hadda cubitaalka jiifo.
XIGASHADA SAWIRKA,JUWEERIYA SUBCIS
Maxaa laga yiri geerida Juweeriya?
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar, oo farriin gaaban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in ay muhiim tahay ka wadahadlidda sidii looga hortagi lahaa in falal noocaan oo kale ah ay dib u dhacaan.
“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay. ” ayuu ku yiri qoraalka uu faceboogga soo dhigay madaxweyne Mustafe.
Taliyaha booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Xassan, ayaa isna dhankiisa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askariga ka tirsan ciidamada Federaalka Itoobiya ee ilaaliye ka ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga, kaas oo rasaasta ku furay xildhibaannad Juweeriya.
Wasiirka war-faafinta deeganka Cabdulqaadir Rashiid oo hadal kooban fiidnimadii xalay ka jeediyay Telefshinka deegaanka ayaa isna sii xoojiyay hadalka ku aaddan in gacanta lagu hayo askarigii dilka geestay oo ha’adaha amnigu deegaanku ku sameyn doonaan baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen.
Waa Tuma Juweeriya?
Magaceedu waa Juweeriya Maxamed Ibraahim Subcis, waxay ku dhalatay magaalada Harare e dalka Itoobiya, sanadkii 1987-dii. Waxbarashadeedii dugisga hoose iyo sare waxay ku soo qaadatay magaalooyinka Harar, Adis Ababa iyo Jigjiga. Sidoo kale waxbarashadeeda heerka koowaad ee Jaamacadda waxay ka baxday Jaamacadda Jigjiga.
Waxbarashada heerka labaad oo takhasusukeedu ahaa ganacsiga iyo dhaqaalaha waxay ka qaadatay Jaamacad ku taalla dalka Mareykanka. Shaqooyinkeedii ugu horeyay waxaa ka mid ahaa in ay ka shaqeyn jirtay shirkad dhanka la talinta ah.
Sidoo kale waxay ka soo shaqeysay hay’adda Oxfam. Hay’ado kale oo dibadda iyo gudaha ah ayay ka shaqeysay, waxayna ahayd hooyo leh laba carruur ah.