Milatariga Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay Inay 60 Qof Ku Dileen Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Oromada A
October 29, 2022 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF iyo kooxda hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army (OLA) oo saldhiggoodu yahay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay ciidanka inay ku dileen boqollaal qof oo rayid ah duqeymo cirka ah oo ay ka geysteen gobolka, xilli uu dhawaan furmay wadahadal nabadeed oo looga hadlayo colaadda Tigrayga.
