Turkiga Oo Soosaaray Gaadhi Ku Shaqaynaya Koronto Aan Wax Shiidaal Ah Isticmaalayn
November 1, 2022 - Written by admin
Waddanka Turkiga ayaa ugu dambayn shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu guul kusoo dhammaaday Gaadhi cusub oo ay soo saareen oo ku shaqaynaya Korontada.
Habeenimadii Sabtida, Turkigu waxa ay u dabbaal degeen soo saarista baabuurkii ugu horreeyay ee lagu farsameeyo gudaha dalka, taasoo calaamad u ah bilawga wax soo saar taxane ah oo ku aaddan baabuurkiisa Korontada ku shaqeeya ee loo yaqaano “Togg”. xaflad sacab badani u dhacay telefishannada dalkana toos looga daawanayay
Xafladda lagu daah furayay Bandhigga gaadhigan ayaa lagu qabtay warshadda baabuurta maxaliga ah oo ku taal degmada Gemlik ee magaalada Bursa, waqooyi galbeed dalka Turkiga.
Baabuurkan Turkigu soo saaray ayaa ah ka tirsan bahda loo yaqaan C SUV (Heerka dhexe), waxaana madasha ku kaxaystay madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.
Afhayeenka shirkadda soo saartay baabuurkan ayaa warbaahinta u sheegay in farsamada Gaadhigan uu 100% leeyahay Turkigu oo aan haba yaraatee hal shalay oo ka mid ah meel kale laga keensan.
Bandhigga Wax soo saarkan cusub ayaa lagu soo beegay sannad guurada 99aad ee dhismaha Jamhuuriyadda Turkiga.