Ciidanka Ilaalada Cashuuraha Abaarso Oo Gacanta Kusoo Dhigay Laba Baabuur Oo Sharaab Kontaraban Ah Soo Galinaayay Dalka
November 6, 2022 - Written by admin
Ciidanka Booliska JSL qaybta Ilaalada Cashuuraha ayaa gacanta ku Soo dhigay Baabuur Siday Kootarabaan.
Ciidanka ilaalinta cashuuraha kastamka abaarso Ayaa gacanta ku soo dhigay laba baabuur Oo sifo sharci daro ah dalka ku soo galinaayay Sharaab.
Ciidanku waxay ku qabteen Laba Eedaysane oo kala watay baabuurtan, waxayna sideen xadi dhan 200 kees marka Littir loo rogana noqonaaya 4800.
Gawaadhidan Lagu qabtay Sharaabka kootarabaanka ah ayaa kala ah gaadhi Minibus ah aqoonsigiisuna yahay Mj 0350,halka gaadhiga kalana yahay Noah N2023
Labadan baabuur ayaa ah Caadaystayaal In mudo ah ku dabo jireen Ciidanka Ilaalada Cashuuraha JSL.