Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Kulan La Yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose Ee Gobolka Maroodi-jeex.
November 6, 2022 - Written by admin
Hargeysa-(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa shir balaadhan la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.
