Ciidanka Dab Damiska Oo Damiyay Dab ka Kacay Dhismaha Durdur Business Center Ee Badhtamaha Hargaysa. H
November 7, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Dabdemiska ayaa goor dhawayd damiyay dab ka kacay barxada hore ee Mall ka Durdur Business ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo jiingad yar oo goobtaa ku taalay dabku ka kacay. Ciidamada ayaa markii goobtaa ay gaadheen waxay dabkaa ka xakameeyeen Gaadhi noociisu ahaa V8 oo dabku khatar galiyay. Sidoo kale ciidanka ayaa badbaadiyay hantidii goobtaa oo ay ka agdhawaayeen Gaadiid,Ganacsiyo, huteelo iyo goobo waxbarasho iyadoo goobtaa ay ku yaalaan Durdur Business, Deero Mall, Carro Edeg hotel, Sahan Books iyo Jaamacada Gollis.

