Dawlada Imaaraatka Carabta Oo Qorsheynaysa Inay Saldhig Ciidan Ka Samaysato Degmada Caluula Ee Putland
November 9, 2022 - Written by admin
Bilawgii bishaan Degamda caluula waxaa gaadhay wafti ay hogaaminayaan koox ka tirsan sirdoonka imaaraatka carabta iyagoo isu ekaysiiyay dad Charity foundation ka socda iyo kuwa iska dhigay kooxda tababarta Ciidanka badda balse dadkaan ayaa waday nin u dhashay Dalka isreal kana socday machadka caanka ah ee EGL International Diamond Laboratory.
Kooxdaan ayaa soo indho indhaynaysa goob laga dhiso saldhig ciidan oo wayn kaas oo dagaan Ciidan Somalia loo tababarayo oo caluula iyo laasqoray lakala gayn doono iyo kuwa Puntland balse shaqadooda ay tahay inay ilaaliyaan warshad laga dhisayo meel cauula u jirta 30kM xagga Birriga taasoo soo saarayaa macdan naadir ku ah Dunida oo ay istcmaalaan kana maarmin shirkadaha Technology iyo kuwa Dayax gacmeedka.
Madaxweynaha Somalia ayaa kala hadlay isimada bari oo muqdisho muddo ku sugnaa arintaan awalna asagu caasimaada u saameeyay, waxaa codsaday Deni oo yiri iskuma fiicnin ee ku qani adigu qandaraaskaas malaayiinta laga samaynay halka deni yiri kan suldaanka warsangali anaa ku filan Aaga sanaag kaasoo mar hore diyaarad loogu qaaday dalka UAE
.
Dubai waxa maalmo ku sugnaa isna Suldaan Siciid Cabdisalan oo ah Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsangali, qorshaha ayaa ah mid arrintaasi la xidhiidha waxana dubra bilowday shirar beeleedyo dadka loogu sheegayo qorshahan inay taageeraan.
Somaliland ilaa iminka kama aysan hadlin dhaq-dhaqaaqan ciidan ee Dubai Shaatigeeda la huwiyay.