berberatoday.com
Akhriso”Sheekada Waardiyahii Ingiriiska Ahaa Ee Basaaska U Ahaa Ruushka
November 14, 2022 - Written by admin
Nin ilaalo ahaa ayaa qirtay inuu u basaasayay Ruushka, isagoo ka shaqaynayay safaaradda Britain ee Berlin.
Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay David Smith oo 58 jir ah in uu doonayay in uu waxyeeleeyo UK iyo safaaradda uu ka soo shaqeynayay muddo sideed sano ah.
Ninkan u dhashay Britain ayaa lagu eedeeyay in uu uruuriyay xogaha sirta ah ee safaaradda iyo in uu faafiyay dukumentiyo sir ah.
Smith waxa uu maxkamadda Old Bailey ka qirtay dambiga ahaa sideed eedaymood oo hoos imanayay Xeerka Sirta Rasmiga ah.
Waxaa la sheegay in uu doonayay in uu ku noolaado Ruushka ama Ukraine waqtigii uu gudbinayay sirtaaas oo ahayd May 2020.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in uu nacayb xooggan u qabay dalkiisa, isla markaana uu ka carooday calanka qaanso-roobaadka ee lagu taageerayo bulshada LGBT.
Waxaa la xidhay Ogosto 2021 waxaana 800 euro (£700) oo lacag caddaan ah laga helay gurigiisa oo ku yaalla Potsdam, Jarmalka.
Smith, oo aan hadda lahayn hoy go’an oo la yaqaan, ayaa qirtay dambiga lagu soo oogay 4tii Nofembar.
Waxaa la qaaday Jimcihii ka dib markii ay xeer ilaalintu sheegtay in aysan wax maxkamad ah ku raadin doonin eedeymo sagaalaad oo uu diiday.
Smith waxa la xukumi doonaa wakhti dambe waxana uu wajihi doonaa ugu badnaan 14 sano oo xadhig ah.
Eedeymaha lagu soo oogay Smith ayaa lagu sheegay inuu la xiriiray General Major Sergey Chukhurov, u qeybsanaha militariga Ruushka ee fadhigiisu yahay safaaradda Ruushka ee Berlin sanadka 2020 – isagoo siinaya macluumaad ku saabsan ciwaannada, lambarrada taleefannada iyo dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha rayidka ee kala duwan ee Ingiriiska.
Waxa uu ururiyay xog sirdoon oo ku saabsan sida ay u shaqeyso iyo qaabka dhismeedkaa, oo la sheegay in ay faa’iido u leedahay “cadowga, waa dawladda Ruushka e”.
Waxyaalaha kale ee lagu eedeeyey ayaa la sheegay in ay sir gaar ah, isla mar ahaantaana uu u gudbiyey Ruushka.
May be art of 1 person

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews