Warshada Korontada Berbera Oo Shaacisay Inay Bishan November Inay Kor Uqaadayso Oo Kordhinayso Qiimihii Iibka Laydhka
November 14, 2022 - Written by admin
Shirkadda Korontada Berbera “Berbera Electricity Company”
Waxa ay ogaysiinaysaa dhamaan macamiisheeda in laga bilaabo Biilka Bisha 11aad ee sanadkan 2022 (November) wax ka badal lagu samayn doono qiimaha tacriifada ee halkii unit (kw)
Qiimaha tacriifada ee hore (0.39) per kw
Qiimaha Tacriifada ee dambe (0.49) per kw.
Waxa xusid mudan in Shirkada Laydhka Berbera kabkii shidaalka ahaa ee shantii bilood ee la soo dhaafay ay dawladda Hoose Berbera ay bixinaysay uu ku eekaa Bsihii 9aad (September 2020) anaga oo uga mahad celinayna sida ay ula dareen noqdneen bulshada ku nool magaalada Berbera.
Ugu dambayn, magaalada Berbera waxa ay weli haysataa laydhka ugu jaban guud ahaan dalka , iyada oo aynu la socono in weli qiimihii shidaalka aanu hoos u dhicin , halka magaalooyinka kale ee dalku qiimaha tacriifada laydhku uu ka yahay (0.73).