berberatoday.com
Wakhtiyadii Ingiriiska iyo horteed ba, Berbera waxa degganaa Habar Awal. Odayaasha Habar Awal ayuu maamulka magaalada Berberi gacanta ugu jirey. Dadka kale inay ka muraadsadaan mooyaan e, loo ma oggalayn inay degaan, amaba ay dhismayaal ka samaystaan.
November 15, 2022 - Written by admin
Wakhtiyadii Ingiriiska iyo horteed ba, Berbera waxa degganaa Habar Awal. Odayaasha Habar Awal ayuu maamulka magaalada Berberi gacanta ugu jirey. Dadka kale inay ka muraadsadaan mooyaan e, loo ma oggalayn inay degaan, amaba ay dhismayaal ka samaystaan.
Berberi dadka badankiisu waxay ka xagaa-bixi jireen inta u dhexaysa bilaha Abril illaa Oktoobar ee sannad walba. Sida aynu xagga hore ku soo sheegnay, intii ay dawladda Cusmaaniyiintu joogtey ayay ka dhigtay magaalo si joogto ah loo deggan yahay.
Inkasta oo ay sidaas ahayd, haddana dadka badankiisu xilliga xagaaga way ka xagaa-bixi jireen magaalada Berbera. Waxa ku soo hadhi jirey dad kooban oo sababo kala duduwani ku khasbi jireen inay sii joogaan, maadaama oo aanu qof xilligaas noolaa u adkaysan karayn hanfiga iyo hongorraha xeebta ka dhacaya. Dhanka kale, xilligaasi wuxuu ku beegnaa xilliga bad-xidhanka.
Haddaba iyada oo laga xagaa-baxay magaalada Berbera oo dadka in yari uun ku soo hadhay, ayaa Maxamed Sharma’arke Cali Saalax oo ahaa inankii uu dhalay Badhasaabkii Saylac xukumi jirey intii u dhexaysey sannadihii 1839-kii illaa 1861-ki uu isku dayey inuu Berbera guri ka dhisto xilli ay magaaladu xagaa ahayd.
Maxamed Sharma’arke wuu ogaa inaanu Berbera guri ka dhisan karin iyada oo dadkeedu joogaan. Sababtaa awgeed ayuu ugu beegay xilli laga xagaa-baxay. Si haddaba uu qorshahaas u fuliyo, wuxuu dooni u soo diray magaalada Berbera. Doonidaa waxa saarnaa xirfadlayaashii dhismaha iyo qalabki ay wax ku dhisayeen. Wuxuu shaqaalahaa faray in ay Magaalada Berbera guri uga dhisaan.
Caadi ahaan, waxa jira heeso ay shubaaliyaan oo ay kala rogtaan shaqaalaha muruq-maalka ahi kolka ay shaqo qabanayaan. Heesahaa waxaynu ugu yeedhnaa hees-hawleedyo. Haddaba shaqaalahaa uu Ina Sharma’arke soo diray kolkii ay gurigaas Berbera uga dhisayeen sida dhuumashada ah, wuxuu ku soo dardaaray inay qaadaan hees-hawleeddan:
Daartu daarbay
Daalibaysaa
Anna duulbaan
U dudaayoon U dan leeyahay!
Warkii wuu fiday. Wuxuu markiiba gaadhey nin gabyaa ahaa oo la odhan jirey Muxumed Liibaan-Tayaag. Muxumed wuxuu ahaa Reer Shirdoon (Sacad Muuse).
Abwaan Muxumed wuxuu u arkay in dhismahaas uu Maxamed Sharma’arke Berbera ka binaynayaa yahay gardarro aan geed loogu soo gabban. Muxumed isaga oo ka falcelinaya arrinkaas iyo sida uu u arkaba, waxa uu holladay gabay tirtirsi ah oo uu ku socodsiiyay Cali Jaamac Haabiil. Gabaygaa waxa laga hayaa labadan meeris:
Sacad Muuse sheeggii iga daa shar iyo khayrlaee
Maxaa Ciise Muusoow shir iyo, shugux idiin diidey?
Cali Jaamac markuu warkaasi soo gaadhey, sida ka muuqata gabaygan hoose, habeenkii wuu gami’i waayey. Wax uu gedgaddoomaba waxaa ka soo go’ay gabayga ku caan-baxay Saaxil, oo uu innoogu sheegayo sida aanu u filaneyn warkaa soo gaadhey.
Haddii uu waagii beryey, Cali Jaamac raggiisii ayuu isugu yeedhay. Gees kasta waa la isaga yimi. Cali wuxuu isla dhex taagey gabaygan oo uu ugaga warramay warka xalay loo keenay ee dhiillada xambaarsanaa iyo wuxuu Maxamed Sharma’arke falay.
Waxa kaluu Cali gabayga kaga warramayaa wuxuu maaggan yahay inuu kaga jawaabo falkaas uu Maxamed Sharma’arke ku kacay. Cid wal oo magaalada Berbera hunguraynaysay wuxuu ugu quusgooyey inaanay dhaxal-wareegi doonin inta ay dhaqan yihiin raggii goobta Alle ku beeray.
Isaga oo ku dhaadanaya, Cali wuxuu gabayga ku sheegay in maalintii dunida la abuuray uu Ilaahay nin walba meel siiyayay, in la isku soo xadgudbaana ay gardarro tahay.
Waxa uu yidhi Cali:
Xalay meel aan jiifsaday halkay, maayaddu i geysay
Alla muusanno iyo tirtire, maad maxaan ku arkay
Wax magaaladii laga warramay, waydinnaan maqale
Maantaan dhashee Maydaloow, lay mashxaradaayey
Haweenkuna waxay moodayeen, maahir soo kacaye
Magacay-be’ marinkii wax furay, dar aanan moodayne!
Marsadaa Berbera maalintuu, malaggu soo jeexay
Ee Maxamed-Nuur iyo khalqiga, la isku miisaamay
Malaa’iig ta khayrka leh kolkii, maragga loo joojay
Midigtii Subeer buu ku dhacay, malabkii doocaane!
Moosko gaalka joogiyo haddii, Mililig loo yeedho
Ingiriis madaafiic hadduu, maalin nagu laayo
Awal oon maqnayn Saaxiloon, meesha laga waayin
Maskab nimaan ku haystiyo, nin ii magana mooyaane,
Nin madoobi xeebtaa hadduu, maro ka soo qaato
Abtirsiimaday muran gashiyo, manidii Haabiile!
……………………….
sheekadan iyo gabayga Cali Jaamac oo dhamaystiran ka akhri buugga #HORTAY_JIRE

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews