Xukuumada Somaliland Oo Fariin Udirtay Beesha Caalamka Iyo Nuxurka Ay Xanbaarsan Tahay!
November 16, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland beesha caalamka u xaqiijinayso in Somaliland tahay nabad iyo waddan xasilloon, oo aanay wax shaqaaqo ahi ka taagnayn waqti xaadirkan, sidoo kalena xuquuqda distuuriga ah ee muwaadiniintu ilaashantahay.
Waxa sidoo kale war-saxaafadeedka Ayaa lagu sheegay in xukuumadda hadda Somaliland ka jirtaa tahay mid sharci ah oo qaab dimuqraaddi ah iyo doorasho lagu soo doortay.
War-saxaafadeedkani wuxuu soo qaatay shirkii wasiirrada ee u dambeeyey, oo lagu go’aamiyey in doorashada lagu qabanayo jadwalka Komishanka Doorashooyinku asteeyey.