Muwaadin Udhashay Dalka Jabuuti Oo Mudo 51 Cisho Ah Sifo Sharci Daro Ugu Xidhan Magaalada Hargaysa Iyo Xogta Xadhigiisa!
November 22, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Muwaadin Udhashay Dalka jabuuti oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Nuur (Omer Zohra) ayaa mudo ka badan 29 cisho ah ku xidhnaa xarunta danbi baadhista C.I.D Ee magaalada hargaysa isaga oo aan wax eeda loo sheegin, kadib markii ciidamada Somaliland hargaysa kasoo xidheen 1/10/2022 kaasi oo sida Eheladiisu Noo sheegeen. 30 bishi hore Octna loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee hargeisa mudada intaasi leeg aan la gaynin wax maxkamada ah si uu uhelo cadaalad lana dhagaysto kiiska loo hayso iyo cida haysataba ee dhibanaha ka ah.
Muwaadin reer jabuuti ahaa ayaa hore u ahaa masuul xil kasoo qabtay dalka jabuuti oo uu ahaa Lataliyaha dhalinyarada ee madaxwaynaha jabuuti ismaaciil cumar geele Ee xisbiga RPP balse markii uu saluugay nidaamka Dawlada u madaxwaynaha ka yahay Geele uu iska casilay xilki uu hayay. taaso sababtay in jidhdil iyo xadhig la isugu daro. waxaa magaalada jabuutina ku xidhna mudo 6bilood ah islamarkaana dawlada jabuuti kala noqotay xaquuqdii si passporkii iyo aqoonsigiiba.
Waxaa sidoo kale iswaydiinle maadama muwaadinkan dawladii jabuuti usoo celisay xoriyadiisa sobobta hadana Somaliland loogu xidhay?