Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedaysane Habeenkii Xalay Magaalada Hargaysa ku Dilay Marxuum Baashe Faarax.
November 26, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanka kusoo dhigay nin habeenkii xalay magaalada hargaysa ku diley Marxuum laga magacaabi Jiray baashe Faarax Nuur sida ay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen boga ciidanka booliska Somaliland oo udhignaa Sidan;
Ciidanka Booliska JSL ayaa Caawa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Baashe Faarax Cabdi oo ku Eedaysan in uu dilay Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 jir ah
Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa