Maxkamad Ku Taalla Dalka Maraykanka Oo Xabsi 26 Sanno Ah Ku Xukuntay Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisii Dilay!
December 1, 2022 - Written by admin
California(Berberatoday.com)-Nin Soomaali Ah Oo Lagu Helay Inuu Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada Cleveland Heights Ee Gobolka California Ayaa Lagu Xukumay 26 Sano Oo Xabsi Ah.

Maxamed Abidaaziz Keerow Oo 48 Jir Ah Ayay Xeer Beegtida San Diego Ku Xukuntay Horaantii Sannadkan Dil Darajada 1-Aad Ah, Isagoo Loo Haystay Geeridii Muna Salaad Kuru Oo 36 Jir Ahayd.